Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Xaafado Katirsan Degmada Qoryooleey.

Tuesday April 18, 2017 - 12:15:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Xaafado Katirsan Degmada Qoryooleey.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Markale guluf dagaaleed ku qaaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Markale guluf dagaaleed ku qaaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay xalay saqdii dhexe weeraro ku mireen saldhig melleteri oo ciidamada Dowladda Federaalka uga suganyihiin gudaha degmadaasi.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in dagaal saacado badan qaatay kadib ay ciidamada Al Shabaab si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Qoryooleey.


Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay dib uga gurteen Qoryooley waaberigii hore ee saaka.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ayaa laga yaabaa in uu ka dhashay dagaalkii Qoryooley balse illaa iyo hadda tiraka koob rasmi ah lagama haayo khasaaraha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items