Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Farriin Hambalya Ah Udiray Bishaar Al-Asad.

Tuesday April 18, 2017 - 13:11:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Farriin Hambalya Ah Udiray Bishaar Al-Asad.

    Markii ugu horraysay Hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi ayaa fariin tahniyad ah u diray dhiigya cabka maamula wadanka Suuriya ee Bishaar Al-asad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay Hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi ayaa fariin tahniyad ah u diray dhiigya cabka maamula wadanka Suuriya ee Bishaar Al-asad.



Sida ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa Kuuriyada Koonfureed  Kim Jong-un ayaa fariin hambalya ah udiray Bishaar Al-asad isagoo ugu hambalyeeyay todobaatan guuradii kasoo wareegtay markii Suuriya ay ka xuroowday gumeystihii faransiiska.

Kim Jong-un Hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi ee Shuuciga ah ayaa cambaareeyay weerarkii sawaariikhda loo adeegsaday ee todobaadkii Tegay uu Mareykanku ku qaaday saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Homs ee bartamaha dalka Suuriya.



"waa wax lala yaabo duullaankii gardarrada ahaa ee Mareykanku uu ku qaaday dalkaaga tallaabadaas waan cambaaraynaynaa waana ku gagarab taaganahayā€¯ ayuu yiri Kim Jong-un oo la hadlayay Bishaar Al-asad.

Fariinta ka timid Hoggaamiyaha dowladda Shuuciyadda Waqooyiga Kuuriya oo noqonaysa middii ugu horraysay ayaa jawaab celin u aheyd Hambalyo uu isbuuc ka hor Bishaar Al-asad u diray waqooyiga Kuuriya oo ku aadaneed 105 guuradii kasoo wareegtay aas-aasidda Jamhuuriyadda waqooyiga Gacanka Kuuriya.

Dagaalka dhanka siyaasadda ah oo meel xun gaaray ayaa u dhaxeeyay dowladda Mareykanka iyo Kuuriyada waqooyi iyadoona  Pyongyang ay sare uqaadday tijaabinta hubka wax gummaada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items