Roobab Dabeyllo iyo Daadad Wata oo Ka Da'ay Gobolka Soomaalida Kenya (NFD).

Tuesday April 18, 2017 - 17:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dabeyllo iyo Daadad Wata oo Ka Da'ay Gobolka Soomaalida Kenya (NFD).

    Inta badan degmooyinka iyo deegaanada dhaca gobolka NFD ee Kenya gumeysato waxaa ka curtay Roobabka xilliga Guga oo si aad ah loo wada sugayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan degmooyinka iyo deegaanada dhaca gobolka NFD ee Kenya gumeysato waxaa ka curtay Roobabka xilliga Guga oo si aad ah loo wada sugayay.

Wararka ka imaanaya gobolka loo yaqaan Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ay saacadihii lasoo dhaafay ka da’een deegaano katirsan gobolka.

Roobabka oo saacado badan da’ayay ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadweynaha, meelaha roobabku ka da’een waxaa kamid ah magaalooyinka Gaarisa Wajeer, Mandheere iyo deegaano farabadan.


Roobka ugu xooggan wuxuu ka da’ay magaalada Gaarisa oo biyaha xareedda ay qaadeen guryo cooshado ka sameysan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddiga gaadiidka Basaska ee gobolka waqooyi Bari ayaa sheegay in isku socodku hakad ku jiro sababa la xiriira biyaha xareedda oo waddooyinka biya fadhiisad ka dhigay.

Wariye ku sugan dhulka Soomaalida Kenya ayaa soo sheegay in roobabka oo dabeyllo watay ay saameyn dhan walba ah reebeen, meelaha qaar dhibicda Roobka ayaa dishay tobaneeyo neef oo abaaro la ildarnaa.

Deegaanka Libooyo Kenya ayaa lagu dhawaaqay in go’adoon yahay kadib markii roobab daadad wata ku dhufteen, dadka xoola dhaqatada ah waxay sheegeen in abaartii gobolka ku dhufatay ay dhammaantay ayna rajaynayaan in daaqsin wanaagsan ay u helaan xoolaha uga badbaaday abaarta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items