Hoobiyaal Ku Dhacay Xaafado Katirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigleey Ee Magaalada Muqdisho.

Tuesday April 18, 2017 - 17:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoobiyaal Ku Dhacay Xaafado Katirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigleey Ee Magaalada Muqdisho.

    Weeraro loo adeegsaday madaafiic ayaa markale lagu qaaday xarumo dowladeed oo kuyaal magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro loo adeegsaday madaafiic ayaa markale lagu qaaday xarumo dowladeed oo kuyaal magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya agagaarka madaxtooyada ayaa sheegaya in ugu yaraan sedax Hoobiye ay ku dhaceen agagaarka Villa Somalia waxaana jira khasaare ay sababeen hoobiyaasha.

Xaafadda Shanta geed ee degmada Howl-wadaag waxaa ku dhacay laba Hoobiya sida ay sheegeen dadka deegaanka, sidoo kale madfac hoobiye ah ayaa ku dhacay halka ay iska galaan degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigleey.


Madaafiicda oo lagu bartilmaameedsanayay dhismaha madaxtooyada ayaan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray askarta iyo saraakiisha DF-ka.

Weerarkan ayaa dhabar jab ku ah ballan qaadyo dhanka sugidda amniga ah oo ay sameeyeen Farmaajo iyo wasiirka ammaanka dowladda Federaalka.


Dilalka iyo qaraxyada ayaa si joogta ah uga dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir, ammaan darrada ayaa gaartay in dharaar cad hoobiyaal lagu garaaco garoonka diyaaradaha iyo dhismaha Villa Somalia.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items