Nabadoon Mustaf Maxamuud Dhicisoow oo Lagu Dilay Magaalada Beled Weyne.

Tuesday April 18, 2017 - 17:46:39 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon Mustaf Maxamuud Dhicisoow oo Lagu Dilay Magaalada Beled Weyne.

    Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in lagu toogtay mid kamida Ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in lagu toogtay mid kamida Ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

Xoogag hubeysan ayaa caawa Maqribkii galbeedka magaalada Beled Weyne ku dilay Nabadoon Mustafa Max’med Dhicisoow oo kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee ka yimid dhanka Maamulka Hir Shabelle.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, dilalka ka dhanka ah odayaashii ka qeyb qaatay soo xulista Baarlamaanka ayaa si xowlli ah uga socda magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items