Dhageyso: Sheekh C/Raxmaan oo Wareysi Ku Faah Faahiyay Xaaladda Guud Ee Gobolka Gedo.

Tuesday April 18, 2017 - 20:28:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh C/Raxmaan oo Wareysi Ku Faah Faahiyay Xaaladda Guud Ee Gobolka Gedo.

    isagoo wareysi siinayay Idaacadda Islaamiga Andalus Ayuu Sheekh C/Raxmaan Abuu Muxamed Waaliga wilaayada Islaamiga Gedo Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay xaaladda gobolkaasi ku suganyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isagoo wareysi siinayay Idaacadda Islaamiga Andalus Ayuu Sheekh C/Raxmaan Abuu Muxamed Waaliga wilaayada Islaamiga Gedo Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay xaaladda gobolkaasi ku suganyahay.


Wuxuu sheegay in Roobabka Guga ay si rasmi ah uga curteen Roobabka Guga islamarkaana abaartii ku raagtay gobolka ay meesha kasii baxayso.

Sheekh C/Raxmaan ayaa sheegay in Roobabaka ugu xooggan ay ka da’een degmooyinka Baardheere,Ceel-Cadde Buula Xaawo iyo deegaanno dhowr ah islamarkaana ay roobabaka ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Wuxuu sheegay in ay joogsadeen howllihii gurmadka Biya dhaaminta ah ee loo fidinayay dadka ay abaaruhu saameeyeen wixii hadda ka dambeeyana ay dadku xoolahooda ka waraabsan doonaan waraha oo ay xareedda roobka warantahay.


Waaliga Gedo ayaa Xarakada Al Shabaab uga mahad celiyay kaalintii lama ilaabaanka aheed oo ay ku laheyd gurmadkii abaaraha.

Gurmadka Biya dhaaminta iyo Raashin qeybinta ayaa laga fuliyay deegaano hoos yimaad magaalooyinka Luuq, Garbahaarey, Baardheere iyo Beled Xaawo.

Dhinaca kale Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa soo hadal qaaday warar ishaacaad been arbuur ah oo sheegayay in duqeyn uu Mareykanku ka geystay duleedka degmada Ceel-Cadde lagu dilay saraakiil uu isagu kamid ah wuxuuna wararkaas ku tilmaamay been abuur aan sal iyo raad midna laheyn.


Halkan ka dhageyso Wareysiga Sheekh C/Raxmaan Waalliga Gedo MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items