Maamulka HirShabelle oo Xiray isbitaalka Intersos Ee Magaalada Jowhar.

Wednesday April 19, 2017 - 10:56:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka HirShabelle oo Xiray isbitaalka Intersos Ee Magaalada Jowhar.

    Boqolaal qof ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe saacado kadib markii maamul taageersan DF-ka uu xiray isbitaal bulshada u adeegayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe saacado kadib markii maamul taageersan DF-ka uu xiray isbitaal bulshada u adeegayay.

Wararka ka imaanaya xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in maamulka isku magacaabay ‘HirShabelle’ uu albaabada isugu laabay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.

Nin lagu magacaabo Max’med Cali Caadle oo ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha ayaa amar ku bixiyay in isbitaalka Intersos la xiro islamarkaana xaruntiisa laga dhigo goob ay ku shaqeeyaan golaha wasiirrada ‘HirShabelle’.

Agaasimihii isbitaalka Xasan Mahad ayaa xalay xabsiga ku hoyday waxaana xaafadaha kala duwan ee magaalada Jowhar ka socda dibad baxyo ay dhigayaan shacabka magaalada.


Bukaano dhowr ah oo jiifay isbitaalka Intersos ayaa dibadda loo saaray, isbitaalkan oo ay gacanta ku heysay hay’ad Talyaaniga laga leeyahay ayaa 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay qabanayay inta badan adeegyada caafimaad oo ay u baahanyihiin dadka ku dhaqan magaalada Jowhar.

Maamulka HirShabelle ayaa isku dayaya in uu xoog kula wareego dhulkii danta guud oo ay laheyd dowladdii Max’med Siyaad barre.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items