Roobab Hakad Geliyay isku Socodka Gaadiidka Dadweynaha oo Ka Da'ay Gobollada Jubbooyinka.

Wednesday April 19, 2017 - 10:56:33 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Hakad Geliyay isku Socodka Gaadiidka Dadweynaha oo Ka Da'ay Gobollada Jubbooyinka.

    Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee dhaxmara magaalooyinka waaweyn ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta xiran kadib markii ay roobab mahiigaan ah ka da'een.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee dhaxmara magaalooyinka waaweyn ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta xiran kadib markii ay roobab mahiigaan ah ka da'een.

Wararka ka imaanaya magaalada Jilib ayaa sheegaya in roobab 4 saac oo xiriir ah da’ayay ay saameyn ku yeesheen isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Wariye ku sugan Jilib ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in roobabka oo ahaa kuwo xiriir ah ay saameeyeen waddooyinka magaalada.

Dadka danyarta ah ee deggan guryaha cooshadaha ka sameysan ayaa ku maashoobay biyaha xareedda, dhinaca kale magaalada Bu’aale iyo deegaannada hoos yimaad waxaa ka da’ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.


Masaajidda kuyaal labada magaalo ee Jilib iyo Bu’aale ayaa saaladaha ceshaha iyo maqribka laysku jamciyay kadib markii ay roobabku noqdeen kuwa aan kala joogsi laheyn.

Dhinaca kale roobabka oo ahaa kuwa Mahiigaan ah ayaa ka da’ay deegaanada  dhaca galbeedka magaalada Kismaayo halkaasi oo bilihii lasoo dhaafay ay ka jirtay abaar daran.

Dadka xoola dhaqatada ah ayaa bilaabay in xoolahooda ay u foofiyaan dhulka howdka ah oo durbaba bilaabay in uu cagaarto.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items