12 Sarkaal oo Sacuudiga looga Dilay Wadanka Yemen iyo Diyaarad lagasoo Riday.

Wednesday April 19, 2017 - 11:49:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    12 Sarkaal oo Sacuudiga looga Dilay Wadanka Yemen iyo Diyaarad lagasoo Riday.

    Khasaara lixaad leh ayaa isbahaysiga Carbeed ee Sacuudigu hoggaminayo kasoo gaaray dagaalka ka socda wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa isbahaysiga Carbeed ee Sacuudigu hoggaminayo kasoo gaaray dagaalka ka socda wadanka Yemen.

War rasmi ah oo kasoo baxaysa wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa lagu sheegay in 12 sarkaal oo katirsan ciidanka melleteriga ay ku dhinteen kadib markii lasoo riday diyaaraddii ay la socdeen.

Saraakiil ayaa sheegay in gantaal dhulka laga riday lala helay diyaarad nuuceedu ahaa Black Howk xilli ay dul heeheebaysay hawada gobolka Ma’rib ee dhaca Bariga wadanka Yemen.

Askarta dhimatay 4 kamid ah waxay ahaayeen abaan duuliyaal qeyb ka ahaa howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta.


Waa khasaarihii ugu xooganaa ee sanadkaan isbahaysiga Sacuudigu hoggaaminayo kasoo gaaro dagaalka kasii holcaya wadanka Yemen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items