Qarax Mas'uuliyiin Katirsan Dowladda Federaalka Lagula Beegsaday Duleedka Muqdisho.

Wednesday April 19, 2017 - 12:22:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Mas'uuliyiin Katirsan Dowladda Federaalka Lagula Beegsaday Duleedka Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas'uuliyiin katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas'uuliyiin katirsan DF-ka.



Maanta Barqadii ayaa jugta qarax xooggan laga maqlay agagaarka deegaanka Sarkuusta oo dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa haleelay mid kamida gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen ciidamo katirsan DF-ka balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kolonyada gaadiidka ah ee la weeraray ay gelbinayeen saraakiil caddaan ah oo xilligaasi kusii jeeday deegaanada dhaca duleedka Muqdisho.



Dilalaka iyo qaraxyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana fashilmay qorshayaal dhowr ah oo DF-ka ay ku sugi laheyd ammaanka.

La soco wixii soo kordha

Related Items