Ciidamo Yugaandheys Ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weeraro Ka Dhacay Deegaano Katirsan Sh/Hoose.

Wednesday April 19, 2017 - 12:22:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Yugaandheys Ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weeraro Ka Dhacay Deegaano Katirsan Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ku dhaxmaray ciidamada shisheeye iyo kuwa Xarakada SHM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ku dhaxmaray ciidamada shisheeye iyo kuwa Xarakada SHM.



Dagaallada oo ahaa kuwa saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen duleedka degmada Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar rogaal celis ah uga jawaabeen dhaq dhaqaaqyada melleteri ee ciidanka AMISOM ka sameeyeen xaafadda Buula Fooliyo.



Laba Askari oo katirsan ciidamada Uganda ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacyo culus kusoo gaareen dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay xaafadda Buula Fooliyo.

Dhinaca kale faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo laba maalmood ka hor ka dhacay duleedka degmada Qoryooley.

2 Askari oo katirsanaa ciidamada Uganda ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka, Meydadka ciidamada dhintay ayaa lageeyay saldhig melleteri oo AMISOM ku leedahay deegaanka Danoow ee Sh/hoose.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladdu tahay mid deggan waxaana goobihii lagu dagaallamay ee duleedka Afgooye ku sugan ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items