Mid Kamida Askarta Dowladda Jabuuti oo Lagu Dilay Magaalada Buula Burde Ee Gobolka Hiiraan.

Wednesday April 19, 2017 - 18:18:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Askarta Dowladda Jabuuti oo Lagu Dilay Magaalada Buula Burde Ee Gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay mid kamida ciidamada dowladda Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay mid kamida ciidamada dowladda Jabuuti.

Maanta duhurkii ayay maleeshiyaad katirsan DF-ka toogteen askariga xilli uu maandooriyaha khaatka la iibsanayay halka loo yaqaan "Beerta Xayawaanka”.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in askariga Jabuutiyaanka ah uu dharbaaxay mid kamida haweenka khaatka iibiya kadibna askari ku hubeysnaa qori AK47 ah oo ay walaala ahaayeen haweenayda la dharbaaxay ayaa rasaas ku furay askariga Jabuutiyaanka ah.

"Mid kamida Haweenka Khaatka iibisa ayaa askari Jabuutiyaan ah kuleetiga uga dhegtay waxayna weydiisatay lacag dayn ah oo ay ku laheyd kadibna waa ugacan qaaday”ayuu yiri goob jooge warbaahinta la hadlay.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor’imaad hubeysan uu labada dhinac dhax maray kadib markii toogashada lagu dilay askariga Jabuutiyaanka ah.

Xaalad kacsanaan ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Buula Burde oo kamid ah magaalooyinka kujira gacanta ciidamada shisheeye.

Askarigii katirsanaa DF-ka ee dilka geystay ayaa la sheegay in uu goobta isaga baxsaday, illaa iyo hadda saraakiisha ciidamada AMISOM wax war ah kamasoo saarin dilka loo geystay askariga Jabuutiyaanka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items