Dowladda Mareykanka oo Sheegtay in Ay Si Adag U Difaacayso Xukuumadda Sacuudiga.

Thursday April 20, 2017 - 13:10:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo Sheegtay in Ay Si Adag U Difaacayso Xukuumadda Sacuudiga.

    Dowladda Kirishtanka Mareykanka ayaa sheegtay in Khatar walba oo kusoo fool leh xukuumadda daaquudka Aala sacuud ay ka difaaci doonto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kirishtanka Mareykanka ayaa sheegtay in Khatar walba oo kusoo fool leh xukuumadda daaquudka Aala sacuud ay ka difaaci doonto.



isagoo booqasho ku joogay magaalada Riyaad ee dhulka Xarameynka ayuu wasiirka difaaca xukuumadda Mareykanka wuxuu sheegay in taageero dhan walba ah ay siin doonaan maamulka daaquudka aala sacuud.

James Mates ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka shaqeyn doonto sidii maamulka Aala sacuud looga difaaci lahaa dhammaan khataraha soo wajahi kara.

Wasiirka difaaca xukuumadda Washington oo magaalada Riyaad kulan kula qaatay dhiggiisa Sacuudiga Max’med Bin Salmaan ayaa Sacuud uballan qaaday in ay ka difaaci doonaan weerar uga yimaad dhanka dowladda shiicada iiraan oo uu khilaaf daran kala dhaxeeyo sacuudiga.



"Mareykanku wuxuu doonayaa Sacuudiga oo awood ku leh mandiqadda waana ka difaaci doonaa daandaansiga Iiraan” sidaas waxaa yiri James Mates oo Trump dhowaan umagacaabay in uu hoggaamiyo wasaaradda difaaca Mareykanka.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka waxay sheegtay in Aala Sacuud ay wali kaalin weyn ka ciyaarayso ololaha loogu magac daray ladagaallanka Argagaxisada oo loola jeedo ladagaalanka muslimiinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in socdaalka wasiirka difaaca Mareykanka ee mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe uu gogol xaar uyahay socdaal uu magaalada Riyaad ku tagi doono Donald Trump hoggaamiyaha cunsuriga Mareykanka.

Dagaalka sii daba dheeraaday ee ka socda wadanka Yemen ayaa larumeysanyahay in fuuq bax dhanka dhaqaalaha iyo melleteriga uu geliyay isbahaysiga dowladaha carabta oo aala sacuud kamid tahay.. halka iiraan ay taageero dhan walba ah ladaba taagantahay Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items