Nin Muslim Ah oo Ku Guuleystay Doorashooyinkii Madaxtinimo Ee Magaalada Jakarta Wadanka Indonesia

Thursday April 20, 2017 - 13:11:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nin Muslim Ah oo Ku Guuleystay Doorashooyinkii Madaxtinimo Ee Magaalada Jakarta Wadanka Indonesia

    Waxaa soo gaba gaboobay doorashooyinkii madaxtinimo ee gobolka Jakarta ee wadanka Indonesia oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aneys Rashiid Baswedan waa Xaakimka cusub ee magaalada Jakarta
Waxaa soo gaba gaboobay doorashooyinkii madaxtinimo ee gobolka Jakarta ee wadanka Indonesia oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Asia.

Wararka ka imaanaya Indonesia ayaa sheegaya in doorashooyinkii dowladda hoose ee magaalada Jakarta looga guuleystay Xaakimkii masiixiga ahaa oo sanadadii lasoo dhaafay sida adag umaamulayay dadka muslimiinta.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in 58% uu helay codadkii la dhiibtay Ninka lagu magacaabo Aneys Rashiid Baswedan oo horay u ahaa wasiirka waxbarashada Indonesia wuxuuna ka adkaday guddoomiyihii hore ee gobolka Jakarta Basuki Tjahaja Purnama kaasi oo asal ahaan kasoo jeeda dalka China.


Malaayiin qof oo taageersan xaakimka cusub ee muslimka ah ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Jakarta sida ay baahisay shabakadda Jakarta Globe.

Xaakimkii Jakarta ee masiixiga ah ayaa isna qiray in looga adkaaday doorashada wuxuuna u hambalyeeyay xaakimka cusub.

Halku dhigga ololaha doorasho ee guddoomiyihii hore ee Jakaarta ayaa ahaa kala dooro calmaaniyad wadata midnimo iyo Xagjirnimo wadata burbur isagoo si dadban udurayay Ninka muslimka ah ee ay ku tartamayeen xilka guddoomiyanimo.


Picture of Riziek Shihab voting at the Jakarta governor election 19 April 2017

 Warbaahinta maxalliga Indonesia ayaa sheegtay in doorashadan ay laheyd xamaasad gaar ah iyadoona dhammaan Ururada muslimiinta ay codadkooda ugu shubeen Aneys Rashiid Baswedan.

Maxkamad kutaal magaalada Jakarta ayaa lafilayaa in xabsi 5 sanadood ah ay ku xukunto maalqabeenka Kirishtaanka ah ee Basuki Tjahaja Purnama kaasi oo ugefay muqadasaadka muslimiinta.

Malaayiin qof ayaa dibad baxyo ka dhan ah Basuki ka oogay magaalooyinka waaweyn ee Indonesia kadib markii uu u gefay kitaabka qur’aanka Kariimka.

Xaakimka cusub ee magaalada Jakarta ayaa ballan qaaday in uu niyadda udajin doono dadka muslimiinta ah, xukuumadda calmaaniga ah ee Indonesia kajirta ayaa bilihii lasoo dhaafay ka meermeeraysay in ay xabsiga dhigto xaakimkii hore oo aflagaadeeyay muqadasaadka muslimiinta taasi bedelkeedna waxay u ogolaatay in uu markale ka qeyb galo doorashooyinka madaxtinimo.

Indonesia waa dalka ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan caalamka waxaana la sheegay in Jaziiradaha kala duwan ee waddaan ay ku noolyihiin dad ka badan 89 Milyan oo qof.

Related Items