2 Askari oo Si Xirfadaysan loogu Dilay isgoyska Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

Thursday April 20, 2017 - 17:34:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari oo Si Xirfadaysan loogu Dilay isgoyska Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

    Ugaarsiga ka dhanka ah Askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa si xowlli ah uga socda magaalada caasimadda ah xilli wasiirka amniga uu ballan qaaday adkeynta ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugaarsiga ka dhanka ah Askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa si xowlli ah uga socda magaalada caasimadda ah xilli wasiirka amniga uu ballan qaaday adkeynta ammaanka.

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay dileen ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka.

Maanta gelinkii dambe ayay rag bastoolado ku hubeysan isgoyska Bakaaraha ku dileen laba askari oo katirsanaa ciidamada Booliska DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in laba wiil oo dhalinyara ah ay gaari BL ah ku dhax toogteen laba askari oo watay qoryo AK47 ah, xoogaga dilka geystay oo sida muuqata tababar heer sare ah qabay ayaa horay usii qaatay qoryihii ay wateen ciidamada ladilay.


"laba askari ayaa lagu dhaxdilay gaari BL ah oo ay ka saarnaayeen shirka hore, ragga dilka geystay ayaa isgoyska Baraakaha kasoo qabsaday gaariga ay askarta ku dileen kadibna si nabad gelya ah ayay uga dhaqaaqeen goobta” sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah oo warbaahinta la hadlay.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah Askarta iyo saraakiisha DF-ka ayaa kusii kordhaya degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii madaxweyne loo doortay Max’med Cabdullaahi Farmaajo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items