Weerar 100 Askari Lagu Dilay oo ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Afghanistan

Saturday April 22, 2017 - 11:11:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 100 Askari Lagu Dilay oo ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Afghanistan

    Khasaara lixaad leh ayaa melleteriga Afghanistan kasoo gaaray weerar xooggan oo ka dhacay saldhig ciidan oo kuyaal waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa melleteriga Afghanistan kasoo gaaray weerar xooggan oo ka dhacay saldhig ciidan oo kuyaal waqooyiga wadankaasi.

Ugu yaraan 100 askari ayaa dhimatay tobaneeya kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dagaalyahano katirsan xarakada Taliban ay weerar dhowr ah ku qaadeen saldhig melleteri oo ku dhow magalada Mazaaru shariir ee dhacda waqooyiga Afghanistan.

Afhayeen uhadlay taliska ciidanka Mareykanka ee magaalada Kaabul ayaa xaqiijiyay in 50 askari lagu dilay weerarka oo dhacay aroortii hore ee maalinimadii Jimcaha.


Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Xarakada Taliban ayaa sheegay in 100 askari oo katirsan ciidamada xukuumadda ay ku dileen weerarka ka dhacay magaalada Mazaaru Shariif.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo 30 maalmood gudahood lagu qaado ciidamada melleteriga xukuumadda dabadhilifka wadanka Afghanistan.

Taliban ayaa 90% maamusha dhulka wadanka Afghanistan halka ciidamada NATO iyo kuwa xukuumadda ay maamulaan magaalooyinka waaweyn ee wadanka sida Kabuul iyo Qandahaar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items