Shirkii Stuttgart Oo Banaanka Soo Dhigay Niyad Jabka AMISOM iyo AFRICOM Ee Hardanka Soomaaliya (WARBIXIN).

Saturday April 22, 2017 - 18:54:45 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Stuttgart Oo Banaanka Soo Dhigay Niyad Jabka AMISOM iyo AFRICOM Ee Hardanka Soomaaliya (WARBIXIN).

    Waqtigu wuxuu hadda u deg-degayaa sidii loo diyaarin lahaa ciidanka fadhiidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya si ay hoggaanka ugu qabtaan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab oo ugu dambeyntii jabin kara ciidamada Soomaaliya haddii aanan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqtigu wuxuu hadda u deg-degayaa sidii loo diyaarin lahaa ciidanka fadhiidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya si ay hoggaanka ugu qabtaan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab oo ugu dambeyntii jabin kara ciidamada Soomaaliya haddii aanan la qalabeynin, lana tayeynin awoodooda Sidaas waxaa yiri Abaanduulaha taliska ciidamada Midowga Afrikaanta ee Soomaaliya.

 

 

"Waxaan ka cabsanayaa in ciidamada dowlada aysan hadda diyaar u ahayn in ay la wareegaan Amaanka dalka” ayuu yiri General Cusmaan Nuur Subagle oo ah ninka hadda hogaaminaya ciidamada wadamada kala duwan ka socda ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.


Sarkaalkan Jabuutiyaanka ah oo magaalada Stuttgart ee dalka Germany kaga qeybgalay kulan looga hadlayey  "Ammaanka Africa” ayaa sheegay in aysan jirin awood hor istaagi karta Xarakada  Al-Shabaab haddii aanan si deg deg ah lagu tayeynin maleeshiyaatka Soomaalida ah "Waan in aan ciidamada Soomaaliya ku diyaarinaa muddo laba sano gudahood ah” ayuu yiri taliye Subagle.



Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano "AFRICOM” ayaa maalin ka hor soo gabagabeeyey kulan laba maalin socday oo ka dhacay Xarunta taliskaaas ee magaalada Stuttgart ee dalka Germany, halkaas oo la isugu keenay hogaamiyeyaasha military-ga ee ku dhawaad 50 dowladooda oo ku yaalla qaaradda Africa.

Loolanka Soomaliya iyo Bixitaanka AMISOM.

Kullankan oo lagu tilmaamay midkii ugu horeeyey ee AFRICOM ay u qabato taliyeyaasha ciidamada ee dowladaha Afirka ayaa lagu falanqeeyey halista xarakaatka Jihaadiga ah ee Africa, Sida Xarakat Ash-Shabaabul Mujaahidiin, Al-Qaacida ee dhulka Maghrib iyo islaamiyiin  kale oo dagaalama Galbeedka Afrika.

Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayey kulankaas wuxuu ahaa loolanka ka socda Soomaaliya iyo bixitaanka ciidamada Afrikaanta ee la filayo in uu bilowdo sanadka 2018-ka.

Walaaca ugu daran ee lagu falanqeeyey kulanka ayaa ahaa in ciidamada Afrikaanta ay isku diyaarinayaan bixitaan dhameystiran iyadoo ciidamada Soomaalida ah aysan awoodin sii heysashada dhulkii ay qabteen ciidamada Afrikaanta ah kuwaas oo duullaan 10 sano jirsaday oo dhiig badan ku daatay ku qabsaday magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha ka qeybgalay Kulanka AFRICOM waxaa ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya kaas oo sheegay in ay hubaal tahay in Ciidamada Afrikaanta ay isaga baxayaan Soomaaliya, Wuxuuna ku taliyey in waqtiga kooban ee la heysto loo baahan yahay in juhdiga ugu badan lagu bixiyo howlaha tabarka ciidanka Soomaalida iyo sidii loo tayeyn lahaa awoodooda.

"Waxaan heysanaa waqti aad u yar, sidaas darteed waxaan u baahanahay in aan tani (tababarka) dadajino” ayuu yiri Francisco Madeira.

Dib U Soo Noqoshada Awoodda Al-Shabaab

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Dhamaan dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya waxay go’aansadeen in ay qorshaha la bixitaanka ciidankooda bilaabaan 2018-ka, kuma dhihi karo January ama February laakiin qorshaha ayey noogu jirtaa in aan bilowno 2018-ka, sida uu General Thomas sheegayna anaga ujeedkeenu ma ahan in aan weligeen halkaan sii joogno”.

Inkastoo dowladda taagta daran ee ka jirta Muqdisho ay isku dayeyso in ay yeelato sal adag hadana weli waxaa jira walaaca laga qabo in bixitaanka ciidamada Saliibiyiinta uu dib u soo celiyo awoodda Al Shabaab, ayna si sahlan ku qabsadaan magaalooyinkii ‘xureyntooda’ dhiiga iyo dhaqaalah badan loo huray.

General Cusmaan Nuur Subagle, Taliyaha ciidamada AMISOM  wuxuu sheegay in aanan si sahlan looga guuleysan Xarakada Al-Shabaab, Islamarkaana ay yihiin dad Soomaali ah oo ku dhexjira dadkooda iyo deegaankooda "Al-Shabaab waa dagaalyahano Soomaali ah iyo xoogaa Ajaanib ah oo safkooda ku jira Waxayna ku dhex milmeen oo ay ku dhex jiraan shacabka Soomaaliyeed, mana ahan kuwa marwaliba si fool ka fool ah kaga horyimaada AMISOM” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Subagle.

Military-ga Mareykanka ayaa labadii sano ee la soo dhaafay dhankiisa kordhiyey dagaalka ay kula jiraan Mujaahidiinta, waxaana dalka ka jooga boqolaal ka tirsan ciidamadooda gaarka ah oo isugu jira tababareyaal iyo la taliyeyaal military si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaalida ee tabarta daran, loona dardar geliyo howlgalka kufaarta Afrikaanta.

Mareykanka Sooma Wado Ciidamo Lug Ah

Todobaadkii lasoo dhaafay Wuxuu taliska AFRICOM xaqiijiyey in ku dhawaad 40 askari oo ka mid ah guutada 101-aad ee ciidanka cirka laga dajiyey magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay in ay ka qeybqaadan doonaan howlaha tababarada ciidanka Dowladda Federaalka.

Mareykanka ayaa dhowrjeer duqeymo xagga cirka ah ka fuliyey Soomaaliya kuwaas oo uu ku beegsaday mujaahidiinta balse wuxuu aad isaga ilaaliyaa in ciidamo lug ah uu u soo diro Soomaaliya tan iyo dhacdadii 1993-kii xilligaas oo ciidamadii Mareykanka ee ku soo duulay Soomaaliya ay tobanaan askari kaga carareen fagaaraha dagaalka kuwaas oo qaarkood lagu jiid-jiiday wadooyinka Muqdisho.

Arin Si Khaldan Loo Fahmay.

Thomas Waldhauser oo ah abaanduulaha taliska AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab laakiin wuxuu beeniyey wararka sheegaya in maamulka cusub ee Trump uu balaariyey dagaalka uu kaga jiro Soomaaliya, Wuxuuna wararkaas ku tilmaamay arrin si khaldan loo fahmay.

"Waxa nala siiyey waa awood yar oo dheeraad ah oo ku saabsan xagga weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab balse dagaalka aan kaga jirno Soomaaliya waa halkiisii, Ciidamada dheeraadka ah ee aan dirnayna waa ciidamo muddo dheer la qorsheynayey in la diro oo dhanka tababarada ka saacidi doona ciidanka Soomaalida si ay u noqdaan kuwa iska caabin kara Al-Shabaab” ayuu yiri Thomas.

Warbaahinta dalka Mareykanka, si gaar ah Saxiifadda caanka ah ee NewYork Times ayaa horraantii bishan soo qortay warbixin ay ku sheegeyso in Trump uu khafiifiyay qaar ka mid xeerarka uga degsanaa marka military-ga Mareykanka ay fuliyaan weerarada "Argigixiso La dirirka ah” taas oo lagu tilmaamay mid kordhineysa khasaaraha dadka shacabka ka soo gaaraya weerarada ciidamada Mareykanka.

Thomas Waldhauser ayaa sheegay in Go’aankan uu taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika uu siinaya kaliya xuriyad ama madaxbanaani ay ku fulin karaan duqeymaha iyo weerarada ka dhanka ah Mujaahidiinta marka ay caawinayaan saaxiibadooda Afrikaanta iyo kuwa DF-ka.

Quustan iyo waji gabaxan ka imaanaya dowladaha reergalbeedka ee kaabaya duullaanka soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Xabashida Itoobiya ay bilihii lasoo dhaafay dib uga guranayeen magaalooyin iyo deegaano dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

 

 

Related Items