Askar Katirsanaa Dowladda Federaalka oo Markale Lagu Dilay isgoyska Bakaaraha.

Sunday April 23, 2017 - 18:32:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Katirsanaa Dowladda Federaalka oo Markale Lagu Dilay isgoyska Bakaaraha.

    Xoogag hubeysan ayaa markale magaalada Muqdisho ku dilay ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka xilli wasaaradda amniga ay ballan qaaday in ay ka hortagayso dilalka iyo qaraxyada ka dhaca caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa markale magaalada Muqdisho ku dilay ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka xilli wasaaradda amniga ay ballan qaaday in ay ka hortagayso dilalka iyo qaraxyada ka dhaca caasimadda.

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe ay rag bastoolado ku hubeysan ay isgoyska Bakaaraha ku dileen laba askari oo katirsanaa ciidanka Booliska.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in xoogagii dilka ay geysta ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, lama oga in askarta ladilay hubkii ay wateen laga qaatay iyo inkale.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 2 askari lagu dilay isla isgoyska Bakaaraha waxaana mas’uuliyadda dilalkan sheegatay Xarakada Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items