WARBIXIN: Shariif Xassan oo Baydhabo Ku Dhax Dhaxaadinaya Farmaajo iyo Dowladda Itoobiya.

Sunday April 23, 2017 - 18:55:54 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Shariif Xassan oo Baydhabo Ku Dhax Dhaxaadinaya Farmaajo iyo Dowladda Itoobiya.

    Wararar dheeraad ah ayaa laga helayaa socdaal uu magaalada Baydhabo ku tagay Hoggaamiyaha Dowladda Federalka Max' med Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararar dheeraad ah ayaa laga helayaa socdaal uu magaalada Baydhabo ku tagay Hoggaamiyaha Dowladda Federalka Max' med Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.


Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa Farmaajo kusoo dhoweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo saraakiil katirsan ciidamada Itoobiya oo xoog ku heysta deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ay SomaliMeMo ka helayso magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in socdaalka Farmaajo uu salka ku haayo dhax dhaxaadin uu Shariif Sakiin ka dhax sameynayo Itoobiya iyo Hoggaanka DF-ka.


Sida ay sheegayaan ilo wareedyadan wargalka ah Farmaajo ayaa lala kulansiiyay saraakiil sarsare oo katirsan melleteriga Itoobiya waxaana kamid ah taliyaha dowladda Itoobiya ee heysta gobollada Bay,Bakool iyo Gedo.

Wadahalka ayaa salka ku haayo isfaham buuxa oo dhaxmara maamulka Farmaajo iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya oo bilihii lasoo dhaafay mad-madoow u dhaxeeyay.

Kulankan oo uu kasoo shaqeeyay Shariif Xasan ujeedka laga leeyahay ayaa ah in Farmaajo uu dowladda Itoobiya si rasmi ah uga codsado in ciidamadeedu ay sii joogaan Soomaaliya inta laga gaarayo sanadda 2018 oo ah waqtiga ay AMISOM si rasmi ah u bilaabayso bixitaan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Farmaajo uu saraakiisha Itoobiya ka codsaday in aysan ka bixin magaalooyin ay hadda qorshanayaan in ay ka baxaan sida Xudur, Maxaas iyo Waajid.

Shariif Sakiin ayaa sidoo kale kulankan u arka fursad ah in itoobiyaanka laga baajiyo qorshaha ay dib uga guranayaan magaalooyin katirsan dalka Soomaaliya.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyaha ciidamada Itoobiya ee gobollada Bay,Bakool iyo Gedo u sheegay in dhulka ay qorshanayaan in ay ka baxaan ay dib uqabsan doonaan ciidamada Al Shabaab taasina ay dhaawici karto xukuumaddiisa.

Kulanka oo ka dhacay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa ahaa midkii ugu horreeyay oo fool ka fool ay isku arkayaan saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo Farmaajo waxaana lafilayaa in kulamadu ay sii socdaan.

Farmaajo oo aan wali booqan magaalada Addis Ababa ayaa isku dayaya in dowladda Itoobiya uu isfaham lagaaro isagoo aan safar dheer gelin waxayna dadka siyaasadda falanqeeya arrintaan u arkaan tallaab uu isaga ilaalinayo in uu madaxa dhulka gasho oo isagoo aan Itoobiya tagin ayuu isfaham ka raadinayaan saraakiisha melleteriga.

Farmaajo ayaa markii madaxweyne loo doortay bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay dadka caamada ah ku khalday in uu yahay wadani neceb joogitaanka ciidanka shisheeye balse gadaal ayuu ka muujiyay in ciidan shisheeye la’aan aysan dowladdiisu shaqeyn Karin.

Ka Bixitaankii ciidamada Itoobiya ee magaalada Ceelbuur ayaa fajaciso ku noqotay hoggaanka dowladda Federaalka waxaana maalmihii lasoo dhaafay la hadal haayay in Itoobiyaanku ay magaalooyin kale isaga baxayaan.

Ninka garwadeenka ka ah kulanka Baydhabo waa shariif Sakiin oo la ogyahay sida uu kalsoonida uga heysto Itoobiya, Ninkan la ciroobay dabadhilifnimada iyo kala rogrogga siyaasadda ayaa isku arka mid udhaxayn kara Addis Ababa iyo Muqdisho.

Waa kaas Farmaajo oo Soomaali badan u mashxaradday markii la doortay hadda u baryootamaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay sii haystaan dhulka Soomaaliya islamarkaana ay kufsadaan gabdhaha soomaaliyeed.. Halka Siyaad Barre uu mar xabashida Itoobiya ka xureeyay dhulka Soomaaligalbeed.

Si walba ha ahaatee maalmaha iyo bilaha soo socda ayaa eegi doonaa haddii Itoobiya ay u hoggaansato codsiga Farmaajo iyo in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items