Saldhigga Ciidamada AMISOM Ee Degmada Qoryooley oo Weerar Xooggan Kala Kulmay Xarakada Al Shabaab.

Monday April 24, 2017 - 10:24:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidamada AMISOM Ee Degmada Qoryooley oo Weerar Xooggan Kala Kulmay Xarakada Al Shabaab.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in markale ay dagaallo culus dib uga qarxeen degmada Qoryooley oo kamid ah degmooyinka gacanta cadowga shisheeye kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in markale ay dagaallo culus dib uga qarxeen degmada Qoryooley oo kamid ah degmooyinka gacanta cadowga shisheeye kujira.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in dagaalkii xalay oo ahaa mid aad uculus uu xoogaga Al Shabaab u suurtageliyay in ay la wareegaan dhammaan xaafadaha magaalada Qoryooleey.


Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Uganda ayaa madaafiic ku garaacay duleedka degmada Qoryooley kadib markii uu dagaalku soo gaba gaboobay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shaabab ay saaka aroortii dib uga gurteen magaalada waxayna xaaladdu hadda tahay mid deggan.

Degmada Qoryooleey waxay kamid tahay magaalooyinka gacanta cadawga gashay balse ay ka socdaan dagaallada ugu culus ee ka dhanka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items