Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen Oo isugusoo Haray Tartanka Doorashada Madaxtinimada Dalka Faransiiska.

Monday April 24, 2017 - 11:15:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen Oo isugusoo Haray Tartanka Doorashada Madaxtinimada Dalka Faransiiska.

    Natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxaya doorashooyinkii madaxtinimo wadanka Faransiiska ayaa muujinaya in kaalimaha sare ay uga jireen laba siyaasi oo caan ka ah wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxaya doorashooyinkii madaxtinimo wadanka Faransiiska ayaa muujinaya in kaalimaha sare ay uga jireen laba siyaasi oo caan ka ah wadankaasi.



Warbaahinta maxalliga Faransiiska ayaa faafisay in kaalinta koowaad ee wareegga 1-aad ee doorashada uu galay Emmanuel Macron oo horay u ahaa wasiirkii dhaqaalaha wadanka halka kaalinta labaad ay gashay haweenayda cunsuriyadda ah ee islaamka naceybka ku caan baxday Marine Le Pen.

Macron oo ah dhaqaala yahan horay isaga casilay xukuumadda Paris ayaa isagoo Telefeshin kala hadlayya Taageerayaashiisa sheegay in uu noqon doono madaxweynaha cusub ee Faransiiska.



Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in guulaha ay soo hooyeen Marine Le Pen iyo Macron ay dhul gariir dhanka siyaasadda ah ka abuurtay wadanka Faransiiska.

Marine Le Pen ayaa horay ugu hanjabtay in haddii ay madaxweyne ka noqoto Faransiiska ay tallaab adag ka qaadi doonto dadka muslimiinta soo galootiga ah oo ay ku tilmaamtay duufaan halis ku ah jiritaanka dadka Faransiiska ah.

Emmanuel Macron ayaa isna doorashooyinkiisa halku dhig uga dhigtay "ka hortagga Argagaxisada iyo baabi’inta shaqa la’aanta”.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay wadanka Faransiiska magaalooyinka waaweyn ayaa lagu daadiyay 50,000 oo boolis ah iyo 7,000 oo ah melleteriga u tababaran ka hortagga weerarada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items