Daawo Sawirradda: Kacdoonka Ka Dhanka AMISOM Ee Ka Socda Magaalada Marka oo Maalintii 2-aad galay.

Monday August 11, 2014 - 21:37:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirradda: Kacdoonka Ka Dhanka AMISOM Ee Ka Socda Magaalada Marka oo Maalintii 2-aad galay.

    Magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha Hoose maalintii 2-aad waxaa ka dhacay dibad baxyo ka dhan ah ciidamada gumeysiga AMISOM ee xoogga ku qabsaday magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha Hoose maalintii 2-aad waxaa ka dhacay dibad baxyo ka dhan ah ciidamada gumeysiga AMISOM ee xoogga ku qabsaday magaaladaasi.

Boqolaal katirsan shacabka magaalada Marka Caddeey ayaa isugusoo baxay waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi waxayna ka cabanayeen gummaadka ay kala kulmayaan ciidamada shisheeye.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Taangiyada AMISOM ay madaafiic ladhaceen dhismayaal ay shacab rayid ah deganyihiin waxaana jira burbur xooggan oo dhismayaasha shirkadaha isgaarsiinta gaaray.

Wakaaladda Wararka ShahaadaNews ee Afka Carabiga ku hadasha ayaa baahisay sawirro khaas ah oo ku saabsan kacdoonka shacbiga ah ee ka socda magaalada Marka.


Waddooyinka magaalada Marka ayaa lagu gooyay taayaro holcaya waxaana gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas teel teel ah iyadoo maanta qaraxyo lagu weeraray saldhigga booliska degmadaasi,guddiga hoggaaminaya kacdoonka shacbiga magaalada Marka ayaa sheegay in ay sii wadayaan kacdoonka illaa laga joojinayo tacadiyada uga imaanayan dhanka shisheeyaha.

Shacabka Marka ayaa ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin "Shisheeye dad xasuuqayaal ah dooni mayno..gumeysiga AMISOM maya" iyo erayo kale.

FG:waxaan ka cudur daaranaynaa muuqaalka Sawirrada oo aan wanaagsanayn sababtoo ah Mobile ayaa lagusoo qaaday













Related Items