Wasiirkii difaaca Afghanistan oo Shaqada laga Eryay Kadib Halaaggii Mazaaru Shariif Ka Dhacay.

Monday April 24, 2017 - 19:18:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii difaaca Afghanistan oo Shaqada laga Eryay Kadib Halaaggii Mazaaru Shariif Ka Dhacay.

    Afar maalmood kadib markii uu dhacay weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu laayay ciidamada melleteriga Afghanistaan ayaa shaqada laga Eryay wasiirkii difaaca iyo saraakiisha ciidanka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar maalmood kadib markii uu dhacay weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu laayay ciidamada melleteriga Afghanistaan ayaa shaqada laga Eryay wasiirkii difaaca iyo saraakiisha ciidanka wadankaasi.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Cali Ghani ayaa xilkii uu hayay ka xayuubiyay wasiirkii difaaca iyo taliyihii ugu sarreeyay ciidanka melleteriga.

Cabdalla Al-Xabiibi wasiirka difaaca ee shaqada ka tagay ayaa qiray in weerarkii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Mazaaru Shariif ee gallaaftay nolosha 200 oo askari uu ahaa midkii ugu xumaa ee soo mara melleteriga wadankaasi.


Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lala helay saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Khosti ee bariga wadanka Afghanistan, weerarka oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay xarakada Taliban ayaa lala beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Khaaska ah ee xukuumadda Kaabul.

Qaraxan ayaa lagusoo beegay saacado yar kadib markii uu booqasho Dhuusamasho ah oo Kaabul ku tagay wasiirka Difaaca Mareykanka James Mates.

Dagaalyahanada Xarakada Islaamiga Afghanistan ayaa sare uqaaday howlgalladooda Jihaadiga ah waxayna la wareegeen 95% dhulka wadanka Afghanistan.

Ciidamada NATO ee Americanka ubadan ayaa magaalooyin katirsan wadanka ka geysanaya weeraro ay ku xasuuqayaan dadka shacabka ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items