Shil Afar Askari ay Ku Dhaawacmeen oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Tuesday April 25, 2017 - 11:23:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shil Afar Askari ay Ku Dhaawacmeen oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in shil gaari oo khasaara dhaliyay uu ka dhacay gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir tusaale ah shil gaari
Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in shil gaari oo khasaara dhaliyay uu ka dhacay gobolka.

Ugu yaraan Afar askari oo katirsan ciidanka Melleteriga ayaa si xun ugu dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaanada Ceel-Macaan iyo Cisaleey oo dhanka Bari uga beegan magaalada Muqdisho.

Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamo hubeysan ayaa si lama filaan ah ugu dhacay gaari iska roga ah oo marayay wadada jid caddaha ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in burbur xooggan uu gaaray gaariga Cabdi bilaha ah waxaana dhaawacyo garaab ah ku noqday 4 askari iyo darawalkii gaariga ay wateen ciidanka DF-ka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items