Dibad Baxyo loogasoo Horjeedo Dowladda Federaalka oo Ka Dhacay Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wednesday April 26, 2017 - 13:52:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad Baxyo loogasoo Horjeedo Dowladda Federaalka oo Ka Dhacay Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

    Dibad baxyo siyaasadeed oo uu soo agaasimay maamulka isku magacaabay HirShabeelle ayaa maanta siyaaba kala duwan uga dhacay magaalooyin dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo siyaasadeed oo uu soo agaasimay maamulka isku magacaabay HirShabeelle ayaa maanta siyaaba kala duwan uga dhacay magaalooyin dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobollada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in magaalooyinka Jowhar, Beled Weyne iyo Balcad ay ka dhaceen iskusoo baxyo ballaaran oo loogasoo horjeedo dowladda Federaalka.

Saraakiil katirsan maamulka Hirshabelle oo dadka iskusoo baxay lahadlay ayaa ku hanjabay in ay xiriirka ujari doonaan haddii ay siiwaddo isku dayada ay ku diidantahay  dib u howlgelinta ilaha dhaqaale ee gobolka Sh/dhexe.


Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay DF-ka in ay waddo maja xaabin ay isku hor taagayso dib ufuridda dekadda macmalka Ceelmacaan iyo garoonka diyaaradaha Cisalleey.

Khilaafkan u dhaxeeya labada dhinac ayaa cirka iskusii shareeray kadib markii wasiirka duulista Hawada maamulka Muqdisho uu maalmo ka hor sheegay in tallaab laga qaadi doono diyaaradaha maandooriyaha khaatka ka dajiya garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items