Maxaa Kajira in Maamulka 'Puntland' Uu Dowladda Itoobiya Ku Wareejiyay Kastamka Duur-dibi Ee Degmada Goldogob?.

Wednesday April 26, 2017 - 13:59:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kajira in Maamulka 'Puntland' Uu Dowladda Itoobiya Ku Wareejiyay Kastamka Duur-dibi Ee Degmada Goldogob?.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa socdaal lama filaan ah ugu amba baxay wadanka Itoobiya oo gacan saar wanaagsan laleh maamullada dalka kajira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa socdaal lama filaan ah ugu amba baxay wadanka Itoobiya oo gacan saar wanaagsan laleh maamullada dalka kajira.

Cabdi Wali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay mas’uuliyiin katirsan dowladda Itoobiya waxayna kawada hadleen howllaha gumeysig ee Itoobiya ka waddo Soomaaliya.

Haweenayda lagu magacaabo Hirut Zemene oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya kanasoo jeedda qowmiyadda Tigreega ayaa Gaas ku qaabishay xarunta wasaaradda ee magaalada Addis Ababa.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Itoobiya ay Gaas kala hadashay sugidda ammaanka deegaanada kulaala xadbeenaadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya.

Cabdi Wali Gaas ayaa warbaahinta u sheegay in Itoobiya iyo maamulkiisa ‘Puntland’ ay ku heshiiyeen iskaashi dhanka amniga iyo ganacsiga ah sida uu hadalka u dhigay.


Dowladda Itoobiya ayaa doonaysa in Kastamka Duurdibi ee kaabiga ku haaya degmada Goldogob gobolka Mudug lagu wareejiyo maamulka Itoobiya taabacsan ee dhulka Somaligalbeed kajira.

Waxgarad kasoo jeeda gobolka Mudug ayaa horay u sheegay in Itoobiya ay damacsantahay la wareegidda kastamkan si ay uga dhigato il dhaqaale iyo in ay ku adkeyso amniga wadankeeda.

Cabdi Wali Gaas iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay itoobiya lasoo saxiixdaan heshiisyo kala duwan oo dhanka iskaashiga amniga iyo ganacsiga ah.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in Itoobiyaanku aysan aqoonsanayn dowladda Federaalka ah taasi bedelkeedna ay heshiisyo iyo wada shaqeyn toos ah la yeelanayso maamul goboleedyo maxalli ah.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in dhammaan maamul goboleedyada dalka kajira laga maamulo Addis Ababa balse aan laga maamulin Muqdisho!.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items