Al Shabaab oo Dib Uqabsaday Deegaanka Janaay Cabdalle iyo Huwanta oo Gaari Laga Gubay.

Wednesday April 26, 2017 - 17:24:26 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Dib Uqabsaday Deegaanka Janaay Cabdalle iyo Huwanta oo Gaari Laga Gubay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo melleteri ay saacadihii lasoo dhaafay ka jireen deegaano hoos yimaad magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo melleteri ay saacadihii lasoo dhaafay ka jireen deegaano hoos yimaad magaalada Kismaayo.

Ciidamo Huwan ah oo isugu jiray Mareykan iyo Kenyaan ay dal aqoon u yihiin maleeshiyaad Soomaali ah ayaa xalay saqdii dhexe ujihaystay dhanka deegaanka Janaay Cabdalle oo 50 KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Dhaq dhaqaaqan waxaa barbar socday diyaaradaha drone-ka loo yaqaan oo dul heehaabayay deegaanka duullaanka lagu qaaday, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay maanta duhurkii gudaha ugaleen Janaay Cabdalle iyadoona maamulka islaamiga ah uu isaga baxay.


Saacado ay gudaha deegaanka  ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ayay ugu dambeyn maanta gelinkii dambe isaga baxeen iyagoo u dhaqaaqay dhanka magaalada Kismaayo.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in markii ciidamada huwanta ah ay 15 KM usocdeen dhanka Kismaayo uu qarax xooggan ku qabsaday wadada waxaana halkaasi ku gubtay gaari Hamar ah oo la rumeysanyahay in ay la socdeen ciidamo Caddaan ah.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la saadaalinayaa in uu ka dhashay qaraxa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in deegaanka Janaay Cabdalle ay dib u qabsadeen ciidamada Al Shabaab halka ciidamada shisheeye oo gaari gubtay jiidanaya ay dib ugu laabteen xarunta Jaamacadda Kismaayo oo markii hore ay ka duuleen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items