Daawo:Qaariga Jacfar C/Raxmaan oo Geeriyooday isagoo Akhrinaya Qur'aanka Kariimka!

Thursday April 27, 2017 - 12:17:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo:Qaariga Jacfar C/Raxmaan oo Geeriyooday isagoo Akhrinaya Qur'aanka Kariimka!

    Allaha unaxariistee waxaa geeriyooday qaariga caanka ah ee Jacfar Cabdi Raxmaan xilli uu ka qeyb gelayay tartanka ku saabsan cod wanaagga qur'aanka Kariimka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha unaxariistee waxaa geeriyooday qaariga caanka ah ee Jacfar Cabdi Raxmaan xilli uu ka qeyb gelayay tartanka ku saabsan cod wanaagga qur'aanka Kariimka.

Boqolaal kun oo qof ayaa baraha Internetka ku faafiyay Jacfar oo naf baxaya isagoo akhrinayay aayadaha hore ee suuratul Mulki.

Qaariga Jacfar oo kasoo jeeda dalka Indonesia ayaa markii uu akhrinayay aayadda  الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا  dhulka ku dhacay kadibna meydkiisa ayaa goobta laga qaaday.

Waxay aheyd munaasabad si toos ah Telefeshinada looga tabinayay oo dad weynaha farabadan ay daawanayeen qiraa'ada qur'aanka Kariimka ee uu Jacfar Akhrinayay.


Malaayiin qof oo muslimiin ah ayaa baraha bulshada ugu duceeyay Jacfar C/Raxmaan oo kamid ahaa qurraa’da ugu codka macaan caalamka islaamka waxayna allaah SWTC uga baryeen in uu u dambi dhaafo oo uu uwaasiciyo Janaatkiisa.

Hoos Ka Daawo Qaariga oo dhimanaya isagoo qur'aanka Kariimka Akhrinaya.



Related Items