Sawirro: Roobabka Guga oo Si Rasmi Ah Uga Curtay Gobollada Dhexe Ee Dalka Soomaaliya.

Thursday April 27, 2017 - 20:04:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Roobabka Guga oo Si Rasmi Ah Uga Curtay Gobollada Dhexe Ee Dalka Soomaaliya.

    Wararka nagasoo gaaraya gobollada dhexe ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Roobabka Guga ay si rasmi ah uga curteen kadib Bilo ay abaaro kajireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka nagasoo gaaraya gobollada dhexe ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Roobabka Guga ay si rasmi ah uga curteen kadib Bilo ay abaaro kajireen.

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa lagasoo sheegayaa in ay maanta ka da’een degmooyin iyo deegaanno katirsan gobollada Mudug,Hiiraan iyo Galguduud.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Roobabka oo ahaa kuwa bilaaw ah ay biya dhigeen dhulka oo wax kabadan 6 bilood ahaa oomane halka nooluhu uu xaalad adag ku sugnaa.

Deegaanno ay kamid yihiin Budbud, Ceelshiil,Cadarre iyo deeganno kale oo hoos yimaad magaalada Ceelbuur ayay Roobabku ka da'een, sidoo kale degmada Moqakori,Buq-aqable iyo magaalada Beled Weyne ayaa lagasoo sheegayaa Roobab lagu diirsaday.


Dhanka gobolka Mudug degmada Jowllo iyo Hareeraheeda ayaa lagasoo sheegayaa Roobab, dad ku sugan Mudug ayaa sheegay in dadku ku farxeen roobabkan curtay iyadoona gobolka Mudug uu kamid yahay meelaha ugu daran oo ay ku dhufteen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Sawirradan Hoose waa Roobab Galabta ka da’ay Nawaaxiga Magaalada Ceelbuur









Related Items