Mid Kamida Odayaasha Dhaqanka Ee la Shaqeeya Maamulka 'Puntland' oo Waqooyiga Gaalkacyo Lagu Dilay.

Friday April 28, 2017 - 09:35:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Odayaasha Dhaqanka Ee la Shaqeeya Maamulka 'Puntland' oo Waqooyiga Gaalkacyo Lagu Dilay.

    Mid kamida odayaasha ugu caansan gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada uu arrimiyo maamulka 'Puntland' ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida odayaasha ugu caansan gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada uu arrimiyo maamulka 'Puntland' ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe oo kamid ahaa odyaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee deegaanada Puntland.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in xoogaga dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, xaafadda uu dilku ka dhacay waxaa ka arrimiya maamulka ‘Puntland’.

Maxamuud Jaamac Diirshe ayaa kaalin weyn kulahaa dagaalladii cuslaa ee sanaddii 2016 ka dhacay deegaanada Suuj iyo Garacad wuxuuna xiligaas ahaa abaabule ciidan oo katirsan maamulka ‘Puntland’.


Siyaasi ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in dilka Maxamuud Jaamac Diirshe uu saameyn ku yeelan doono maamulka ka jira qeybo katirsan Mudug oo uu u ahaa laf dhabar muhiim ah.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha maamulka Puntland iyo odayaasha la shaqeeya ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii kordhayay magaalooyin dhaca bartamaha iyo waqooyi Bari Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items