Afghanistan: Taliban oo Ku Dhawaaqday Howlgalka Guga Ee Ka Dhanka ah Soo Duulayaasha NATO.

Saturday April 29, 2017 - 09:59:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afghanistan: Taliban oo Ku Dhawaaqday Howlgalka Guga Ee Ka Dhanka ah Soo Duulayaasha NATO.

    Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay golaha shuurada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu iclaamiyay dagaal cusub oo mujaahidiintu ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada NATO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay golaha shuurada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu iclaamiyay dagaal cusub oo mujaahidiintu ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada NATO.


Taliban waxay si rasmi ah u iclaamisay in xilli dagaaleedka Guga ee sanadkan loogu magac daray "Mansuuriyah” oo loo nisbeeyay Sheekh Mulla Akhtar Mansuur amiirkii hore ee imaarada Islaamiga ah ee shahiiday.



Olole dagaaleedkan cusub ayaa ka dhacaya dhammaan magaalooyinka iyo gobollada dalka wuxuuna beegsan doonaan saldhigyada ciidamada NATO, saldhigyada melleteriga xukuumadda Kabul iyo dhammaan dadka la shaqeeya cadowga.

Taliban ayaa xaqiijisay in sanadkan weeraradu ay waxbadan ka duwanaan doonaan kuwii hore sababa laxiriira mujaahidiinta oo dagaallo ku qabsaday magaalooyin hor lehi slamarkaana ay sahlanaan doonto beegsiga saldhigyo melleteri.

Golaha shuurada imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa shacabka Rayidka ah ugu baaqay in ay ka fogaadaan saldhigyada NATO iyo kuwa dowladda Afghanistan si aysan waxyeello ugasoo gaarin weerarada mujaahidiinta.

Xiliga Guga oo isbedel weyn kuyimaado cimillada wadanka Afghanistan ayay dagaalyahanka Taliban kasoo degaan Dhulka Buuralayda ah waxayna weeraro aargoosi ah ku qaadaan ciidamada Mareykanka iyo xulufadiisa oo aan udul qaadan Karin cimillada qaboowga badan ee Afghanistan.

Taliban ayaa dagaal 16 sana jirsaday kula jirta quwadaha reer galbeedka ee wadankaasi ku duulay daba yaaqadii sanadii 2001.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items