Weeraro khasaara badan dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka iyo AMISOM lagula beegsaday deegaano katirsan gobolka Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya wadanka laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Warmaxan iyo
W/weyne ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay la
socdeen ciidamada melleteriga DF-ka.
Qaraxa oo loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay ayaa qeybta dambe ka haleeshay gaari Cabdi Bile ah oo ay ciidamo la socdeen waxaana jira khasaara dhimasho iyo
dhaawac ah oo gaaray askarta la weeraray.
Dhinaca kale weerar dhabagal ah ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM ku qabsaday
deegaanka Ceel-wareegoow ee duleedka magaalada Marka.
Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in ciidamada Al Shabaab ay
gantaallada garbaha laga gemo la heleen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen
ciidamada AMISOM kadibna waxaa xigay iska hor’imaad xooggan oo labada dhinac
dhax maray.
Gobolka Sh/Hoose ayaa kaalinta hore uga jiro gobollada dalka Soomaaliya oo uu
ka socdo halganka lagula jiro ciidamada shisheeye ee soo duulayaasha ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Weeraro Khasaara Dhaliyay oo Ciidamada AMISOM iyo Kuwa DF-ka Lagula Beegsaday Gobolka Sh/Hoose.
Weeraro khasaara badan dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka iyo AMISOM lagula beegsaday deegaano katirsan gobolka Sh/hoose.