Ciidamada Taliban oo Dagaal Kula Wareegay Magaalo Dhacda Koonfur Bari Wadanka Afghanistan.

Sunday April 30, 2017 - 10:06:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Taliban oo Dagaal Kula Wareegay Magaalo Dhacda Koonfur Bari Wadanka Afghanistan.

    Wadanka Afghanistan waxaa si rasmi ah uga bilaawday weerarada xilliga Guga oo xarakada islaamiga Taliban ay laba maalmood ka hor ku dhawaaqday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Afghanistan waxaa si rasmi ah uga bilaawday weerarada xilliga Guga oo xarakada islaamiga Taliban ay laba maalmood ka hor ku dhawaaqday.

Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka bilaawdeen inta badan gobollada wadankaasi uu ka koobanyahay.

Kumanaan katirsan dagaalyahanada Imaarada Islaamiga ah ayaa weeraro culus ku qaaday saldhigyada ciidamada xukuumadda Maqaar saarka ah ay ku leeyihiin in kabadan 7 gobol oo uu kamid yahay gobolka Kaabuul.

Warbixin lagu faafiyay website-ka rasmiga imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in dagaallo saacado badan qaatay kadib ay ciidamada Mujaahidiintu la wareegeen gacan ku heynta degmada Ziibaak ee gobolka Badakhshan.


War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayay muslimiinta ugu bishaaraysay in ay qabsadeen dhammaan xarumihii ammaanka iyo kuwa maamulka degmada.

Weerarkan oo qeyb ka ah  xamlad dagaaleedka Alcumariyah ayay mujaahidiintu ku qabsadeen 21 gaari oo nuuca dagaalka ah iyagoona ku dilay 16 askari oo katirsan ciidamada xukuumadda.

Weeraro kale ayaa lagasoo sheegayaa gobollo ay kamid yihiin Meydan Wardak, Qandahar, Baktiikia iyo Nuuristaan, Bayaan jimcihii lasoo dhaafay kasoo baxay Golaha shuuradaha Imaarada islaamiga ah ayaa lagu iclaaliyay xilli dagaaleedka Guga oo la filayo in ciidamada shisheeye dalka Afghanistan looga xureeyo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items