Farmaajo Oo Socdaal Ku Tagaya Magaalada Addis Ababa Kadib Amar Uga Yimid Dowladda Itoobiya!

Sunday April 30, 2017 - 11:37:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Socdaal Ku Tagaya Magaalada Addis Ababa Kadib Amar Uga Yimid Dowladda Itoobiya!

    Kadib fashilkii ku yimid shirkii isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu dhax dhaxaadinayay Farmaajo iyo Itoobiya ayaa xallinta khilaafkaas loo weeciyay dhanka magaalada Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib fashilkii ku yimid shirkii isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu dhax dhaxaadinayay Farmaajo iyo Itoobiya ayaa xallinta khilaafkaas loo weeciyay dhanka magaalada Addis Ababa.

Wakaaladda wararka Turkiga qeybteeda Afka Carabiga ku hadasha ayaa baahisay warbixin ku saabsan socdaal uu dhowaan Farmaajo ku tagi doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

"Madaxweynaha Soomaaliya ayaa arbacada soo socota markii ugu horraysay booqasho ku tagaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya” sidaas waxaa ciwaan ka dhigatay wakaaladda Al-naadool.

Mas’uul katirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa wakaaladda u sheegay in socdaalka Farmaajo uu dhici doono maalmaha Arbacada iyo Jimcaha islamarkaana kulanka diiradda lagu saari doono arrimaha wanaajinta cilaaqaadka labada xukuumadooda iyo la dagaallanka waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’.


Socdaalka Farmaajo ayaa yimid kadib amar uga yimid R/wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn oo lafilayo in uu heshiisyo dhowr ah ka saxiixo.

Ilo wareedyo ay SomaliMeMo helayso waxay sheegayaan in socdaalka Farmaajo lagusoo gunaanadayo shaki Itoobiya ka qabtay hoggaanka cusub ee DF-ka oo ladoortay bishii Feberaayo 2017.

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa horay saraakiisha ciidanka gumeysiga Itoobiya uga codsaday in ciidamadoodu ay sii haystaan dalka Soomaaliya.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa bilihii lasoo dhaafay isaga baxayay degmooyin iyo deegaano dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaana ugu dambeyay ka bixitaankii degmada Ceelbuur.

Booqashada Farmaajo ee magaalada Addis Ababa ayaa meesha ka saaraysa ballanqaadkii uu sameeyay xilligii uu xilka madaxtinimo u ordayay ee aheyd in uusan booqan doonin Addis Ababa, ujeedka uu arrinkaasi ka lahaa ayaa aheyd in uu ku kasbado taageerada shacabka oo xilligaasi dhibsaday dabadhilifnimada Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyihii hore ee DF-ka.

Falanqeeyeel Soomaaliyeed ayaa aaminsan in dowladda Itoobiya ay majaraha uheyso dhammaan maamul goboleedyada dalka kajira islamarkaana ciidamadeedu boolis iyo melleteri u yihiin maamullada sheegta in ay taageersanyihiin DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items