Warbixin: Maxay Ka dhigantahay in Farmaajo iyo Yuusuf Garaad Ay Laba Mar Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomaan Safiirka Cusub Ee Dowladda Itoobiya?.

Sunday April 30, 2017 - 19:52:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Maxay Ka dhigantahay in Farmaajo iyo Yuusuf Garaad Ay Laba Mar Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomaan Safiirka Cusub Ee Dowladda Itoobiya?.

    Waxaan yarayn doonaa safarrada macna darrada ah ee ay dibadda ku aadaan madaxda qaranka, waxaan xadidi doonaa shirarka ay dibadda uga qeyb galaan wasiirada dowladda taas bedelkeedna waxaa qaban doona safiirada dibadda noo jooga sidaas waxaa yiri Max&

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan yarayn doonaa safarrada macna darrada ah ee ay dibadda ku aadaan madaxda qaranka, waxaan xadidi doonaa shirarka ay dibadda uga qeyb galaan wasiirada dowladda taas bedelkeedna waxaa qaban doona safiirada dibadda noo jooga sidaas waxaa yiri Max'med Cabdullaahi Farmaajo bilo ka hor intii aan madaxweyne loo dooran.

Maamulka Farmaajo wuxuu qaaday dhabbihii maamulkii Xasan Sheekh marka dhan walba laga eego sida dabadhilifnimada iyo musuq maasuqa.

Villa Somalia waxay wajahaysaa isbarbar yaac dhanka shaqada ah waxayna hadda ka heybaysanaysaa dowladda Itoobiya oo ciidamadeedu ay haystaan magaalooyin muhiim ah oo dhaca Koonfurta Soomaaliya. 

Yuusuf Garaad Cumar oo ah wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka ayaa shalay muqdisho ku qabtay munaasabad uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo uga guddoomayo Kamaaludiin Mustafe oo ah safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacaawday Soomaaliya.


Tallaabada Yuusuf Garaad ayaa khilaafsaneed Baratakoolka dublumaasiyadeed ee u degsan dowladaha ku bahoobay daladda Q.Midoobe balse madaxda dowladda Federaalka waxay uga gol-lahaayeen abuurista Ra’yul caam cusub iyo dadka caamada Soomaalida ku khaldaan in ay yihiin wadaniyiin.

Warbaahinta Taageerta Farmaajo ayaa faafisay Yuusuf Garaad oo safiirka Itoobiya qaabilaya waxayna ku faanayeen in waa cusub uu usoo galay DF-ka oo madaxweynaheedu iskala weynyahay Itoobiya!.

Saacado kadib ayay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya amar kusiiyay dowladda Federaalka in ay hanaanka saxda ah uqaabilaan safiirka cusub.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay Farmaajo ku cadaadisay in maamuus heer sare ah loo sameeyo safiirkeeda cusub taasi oo Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qasabtay in uu madaxtooyada ku qaabilo safiir Kamaaludiin.

"Markii hore waxay doonayeen in ay shacabka isugu muujiyaan wadaniyiin aan itoobiya jeclayn balse xaqiiqda ayaa ah in Itoobiya ay hoos ka xiriiraan oo Addis Ababa ay ku noq noqon doonaan” sidaas waxaa yiri Siyaasi Xassan Nuur.

Arrintan waxay banaanka soo dhigaysaa sida Itoobiya ay wax walba ugu meeriso madaxda DF-ka waxaana xusid mudan in isbuucaan gudihiisa uu Farmaajo u safri doono Addis Ababa si uu halkaasi kulamo ugulasoo qaato madaxda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa 15-kii sanadood ee lasoo dhaafay aheyd mid ay ka heybaystaan madaxda Soomaalida dabadhilifyada ah oo si bahdil iyo ihaano xambaarsan loogula dhaqmo maxaafisha caalamiga ah.


Hoos Ka Daawo Yuusuf Garaad iyo Farmaajo oo laba Jeer warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Itoobiya





Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items