Axmed Madoobe "Dowladdu Waxay Maamushaa Hawada Al-Shabaabna dhulka Ayay Maamulaan".

Sunday April 30, 2017 - 19:51:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe "Dowladdu Waxay Maamushaa Hawada Al-Shabaabna dhulka Ayay Maamulaan".

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa qiray in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay si buuxda umaamulaan inta badan dhulka dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Madoobe ayaa dabadhilif u ah Kenya iyo Itoobiya.
Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa qiray in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay si buuxda umaamulaan inta badan dhulka dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa isagoo kalimad ka jeedinayay munaasabad ciidan tababar loogusoo xirayay sheegay in ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ay kujiraan xaalad aad u liidata oo dhanka dhaqaalaha ah.

Wuxuu aad u dhaliilay qaabka ay u shaqeeyaan maamul goboleedyada iyo DF-ka isagoo qiray in xarakada Al Shabaab ay ku guuleysatay istiraatiijiyadda ah hantinta dhulka dagaalka.


"Marka aan runta ka hadalno Al Shabaab si buuxda ayay umaamushaan dhulka oo ay ugu dhaq dhaqaaqdaa dowladda Soomaaliya waxay maamushaan Hawadaā€¯ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka ah ee kajira magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujiyay habacsanaanta dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah oo ay wajahayaan dhammaan maamullada ku xiran waxa loogu yeero beesha caalamka ee kajira dalka Soomaaliya.

Siyaasigan dabadhilifka u ah dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa mar walba ku daqaaqo qaadista howlgallo melleteri oo cadawgu uu ku qabsado dhul lagu maamulo shareecada islaamka oo ay ka taliso Xarakada Al Shabaab.

Dhammaan magaalooyinka galay gacanta ciidamada Shisheeye oo ay kamid yihiin Baydhabo,Kismaayo,Buula Burde iyo Xudur ayay madaxda DF-ka ku galaan diyaarado dhanka hawada ah halka waddooyinka magaalooyinkaasi soo galo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mujaahidiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items