Hoggaamiyaha Al Qaacidda Ee Yemen oo Ku Goodiyay in Mareykanka Ay Ka Aargudan Doonaan.

Monday May 01, 2017 - 10:35:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Al Qaacidda Ee Yemen oo Ku Goodiyay in Mareykanka Ay Ka Aargudan Doonaan.

    Wareysi qoraal ah oo lala yeeshay Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda ee Jaziiradda Carabta Sheekh Qaasim Al-Riimi ayuu uga hadlay wajiga cusub ee uu galay dagaalka ay kula jiraan dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareysi qoraal ah oo lala yeeshay Hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda ee Jaziiradda Carabta Sheekh Qaasim Al-Riimi ayuu uga hadlay wajiga cusub ee uu galay dagaalka ay kula jiraan dowladda Mareykanka.

Hoggaamiyaha Al Qaacidda ayaa wareysiga cusub ee lala yeeshay uga hadlay xasuuqii ay ciidamada Mareykanka ka geysteen deegaanka Yakla ee bartamaha wadanka Yemen wuxuuna si faah faahsan uga hadlay dambiyada daran ee dowladda Mareykanku ay ka geysanayso Caalamka Islaamka.

Sheekh Qaasim ayaa ku goodiyay in Mareykanka lagula xisaabtami doono dhibaatada uu ugeysanayo dadka muslimiinta isagoona dagaalyahanada Jihaadiga Al Qaacidda ku ammaanay sidii ay uga hortageen duullaakii Yakla.


"Mujaahidiintu ugama hari doonaan Mareykanka dambiyada uu ka geysanayo Yemen waana laga aargudan doonaa insha'allaah” ayuu yiri Qaasim Al-Riimi.

Wareysigan oo lagu baahiyay Barta Telegram-ka ayay Al Qaacidda ku sheegtay in dagaalka Mareykanka ee Yemen uu waji cusub galay tan iyo markii xukuumadda Washington uu majaraha uqabtay Donald Trump.

"Mujaahidiintu Mareykanka ayay sanka dhulka ugu jiideen askar ayay uga dileen kuwa kalane waa uga dhaawaceen xilligii uu socday duullaankii Yakla laba diyaaradoodna waa kasoo rideen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Qaasim.

Dhinaca kale Al Qaacidda ayaa maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ku eedaysay in wadashaqeyn dhanka sirdoonka ah ay laleeyihiin dowladda Mareykanka waxayna tusaale usoo qaadatay dagaalladii ka dhacay gobollada Abyen iyo Xadra-muut oo mareykanku uu si toos ah ugacan siinayay Xuuthiyiinta.

Sheekh Qaasim Al-Riimi oo Abu Hureyra Sancaani loo yaqaan ayaa kamid ah hoggaamiyaasha sida aadka ah uu u doon doonayo Mareykanka waxaana ladul dhigay lacag dhan 5 Milyan oo dollar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items