Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho.

Monday May 01, 2017 - 13:07:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho.

    Wufuud reer galbeed ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho maalmo yar ka hor inta uusan qabsoomin shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlaayo ee ka dhici doono magaalada London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wufuud reer galbeed ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho maalmo yar ka hor inta uusan qabsoomin shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlaayo ee ka dhici doono magaalada London.

Sigmar Gabriel oo ah wasiirka arrimaha dibadda dowladda Jarmalka ayaa goobo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo kula kulmay mas’uuliyiin katirsan DF-ka.

Booqashada wasiirka arrimaha Dibadda Jarmalka oo aheyd mid dhuumasho ah oo aan horay loosii shaacin ayaa lama filaan ku noqotay Xasan Cali Kheyre iyo Yuusuf Garaad oo lagu wargeliyay markii uu garoonka diyaaradaha Muqdisho soo gaaray.


Saraakiil Jarmal ah ayaa ilaalinayay ammaanka Sigmar Gabriel, Xasan Cali Kheyre iyo Max’med Farmaajo ayuu kulamo laqaatay waxaana la sheegay in kulamada looga hadlayay arrimaha amniga iyo la dagaalanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dowladda Jarmalka oo lafdhabar u ah Ururka Midowga Afrika ayaa bil walba lacago malaayiin dollar ah siisa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya kusoo duulay.

Shalay ayuu Taliyaha ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika (AFRICOM) booqasho dhuumasho ah ku yimid Muqdisho isagoona saldhig melleteri kula kulmay Farmaajo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items