Ciidamada Itoobiya oo Madaafiic Ku Duqeeyay Deegaano Katirsan Gobolka Hiiraan.

Tuesday May 02, 2017 - 08:55:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo Madaafiic Ku Duqeeyay Deegaano Katirsan Gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay duqeeyeen deegaano katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay duqeeyeen deegaano katirsan gobolkaasi.

Dad ku sugan deegaanka Garisyaani ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen dhulka howdka ah ee kaabiga ku haaya deegaanka Halgan.

Shalay gelinkii dambe ayaa jugta madaafiicda laga maqlay baadiyaha Halgan, dad xoola dhaqata ah waxay sheegeen in madaafiicdu waxyeello ugeysatay xayawaan duur joog ah.

Lamasoo sheegin khasaara dad shacab ah kasoo gaaray duqeymahan aan loo meel dayin ee ciidamada Itoobiya ka geysteen gobolka Hiiraan.


Kumanaan katirsan melleteriga Itoobiya ayaa maalintii 9-aad waxay socod lugta ah ku marayaan wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Buula Burde iyo Beled Weyne waxayna ciidamadaasi wajahaan weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo loo adeegsanayo Miinooyin wadada lagu aaso.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items