Dhageyso: Beesha Sade oo Sheegtay in Farmaajo uusan Metelin Dadka Beeshaasi Ku Abtirsada.

Tuesday May 02, 2017 - 11:54:47 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Beesha Sade oo Sheegtay in Farmaajo uusan Metelin Dadka Beeshaasi Ku Abtirsada.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Beesha Sade ee degta gobolka Gedo ayay ku sheegtay in uusan matalin Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Beesha Sade ee degta gobolka Gedo ayay ku sheegtay in uusan matalin Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Federaalka.



Kadib Kulan ballaaran oo u dhaxeeyay  Beesha Sade iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagasoo saaray go'aanno muhiim ah oo wax tar u leh diinka iyo dadka iyo dalka.

Kulankan waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka socota Hoggaanka Al Shabaab salaadiin,cuqaal,ganacsato iyo samadoono katirsna Beelweyne Sade Daarood.

Gaba gabadii kulanka waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo ay isku afgarteen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo beesha Sade.



Dad ka yimid dhammaan magaalooyinka gobolka Gedo sida Buulo Xaawo, Baardheere, Buurdhuubo,Luuq iyo Ceel Cadde ayaa kulanka xaadir ku ahaa.

Bayaanka lagasoo saaray kulanka oo warbaahinta loo akhriyay ayaa lagu sheegay in Farmaajo uusan wax dan ah uheyn beesha iyo umadda Soomaaliyeed islamarkaana uu yahay dabadhilif u shaqeeya dowlado shisheeye.

Halkan ka dhageyso warbixin ku saabsan Bayaanka Beesha Sade MP3


Isha Codka Radio Andalus

Related Items