Farmaajo oo U Amba baxay Magaalada Addis Ababa Ee Wadanka Itoobiya.

Wednesday May 03, 2017 - 09:57:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo U Amba baxay Magaalada Addis Ababa Ee Wadanka Itoobiya.

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa saaka u amba baxay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya halkaasi oo looga yeeray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa saaka u amba baxay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya halkaasi oo looga yeeray.

Saraakiil katirsan Villa Somalia ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Farmaajo uu Addis Ababa gaaray islamarkaana uu kulamo kulasoo qaadan doono mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya.

Mas’uul katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maalma ka hor wakaaladda wararka Turkiga u sheegay in Farmaajo uu tagi doono Addis Ababa islamarkaana uu halkaasi kulamo xasaasi ah kulasoo qaadan doono madaxda Itoobiya.


Itoobiya oo ciidamadeedu gumeysi ku joogaan Soomaaliya ayaa doonaysa in awaamir hor leh ay siiso Hoggaamiyaha dabadhilifka DF-ka kaasi oo bedelay Xasan Gurguurte madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka.

Socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa imaaanaya xilli ciidamada gumeysiga Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo melleteri ka wadaan deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items