Saraakiil Caddaan Ah Oo Arday iyo Macalimiin Haween Ah Kala Baxay Iskuul Kuyaal Magaalada Hargeysa.

Wednesday May 03, 2017 - 12:11:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Saraakiil Caddaan Ah Oo Arday iyo Macalimiin Haween Ah Kala Baxay Iskuul Kuyaal Magaalada Hargeysa.

    Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamo Ashahaadda ladirir Caddaan ah ay xoog ku galeen mid kamida Madaarista islaamiga ah ee ka dhisan magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamo Ashahaadda ladirir Caddaan ah ay xoog ku galeen mid kamida Madaarista islaamiga ah ee ka dhisan magaaladaasi.

Ciidamo wajiyadu uduubanyihiin oo katirsan kuwa RRU-da loo yaqaan iyo saraakiil caddaan ah ayaa la xaqiijiyay in habeen hore ay u dhaceen Madaraso diini ah oo wax lagu baro hablaha dhaqan celinta looga keeno dhanka wadamada reer galbeedka.

Madarasada ay ciidamadu u dhaceen ayna xireen ardaydii iyo macalimiintii oo ah dugsiyadda la seexdo ee loo yaqaan(Boarding School), waxaa qur’aanka Kariimka iyo cilmiga sharciga ah lagu baraa gabdhaha lagasoo celiyo qurbaha.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ardayda oo dhammaantood hablo ahaa ay gacanta ku dhigeen saraakiil caddaan ah iyo maleeshiyaadka Somaliland waxayna ku xiranyihiin xabsiyo gaar ah oo aan la ogeyn halka ay ku yaallaan.

Qaar Katirsan waalidiinta dhalay Ardayda xiran ayaa sheegay in gabdhahooda ay gacanta ku hayaan saraakiil caddaan ah oo su’aalo ku weydiiyay xabsiyada.

Waalidiinta ayaa diiday in ubadkooda dib loogu celiyo wadamada qaaradda Yurub oo markii hore lagasoo celiyay si loo baro qur’aanka kariimka iyo culuumta shareecada islaamka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madarasada hablaha muslimaadka ah ee Hargeysa Albaabada laysugu laabay, madarasadan ay xireen sirdoonada caalamiga ah oo wadashaqeyn ka helaya maamulka ‘Somaliland’ isku magacaabay ayaa aheyd madarasada kaliya oo gaar ah u hablaha dhaqan celinta loogasoo celiyay qaaradda Yurub.

Dowladaha ashahaadda ladirirka ah iyo maamullada taabacsan ee kajira wadamada caalamka islaamka ayaa dagaal ba'an oo dhanka akhlaaqda ah kula jira muslimiinta waxay faafiyaan Manaahij calmaani ah waxayna la dagaallamaan barashada diinta islaamka

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items