Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Maamulka Galmudug.

Wednesday May 03, 2017 - 12:15:43 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Maamulka Galmudug.

    Kadib kullan ballaaran oo xildhibaano katirsan maamulka Galmudug isku magacaabay ay ku yeesheen magaalada Cadaado ayay ku doorteen madaxweyne cusub oo maamulkaasi uu yeesho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kullan ballaaran oo xildhibaano katirsan maamulka Galmudug isku magacaabay ay ku yeesheen magaalada Cadaado ayay ku doorteen madaxweyne cusub oo maamulkaasi uu yeesho.

Doorasho ka dhacday hoolka Baarlamaanka magaalada Cadaado waxaa ku hardamay laba musharax oo u tartamayay xilka madaxweynaha maamulka ‘Galmudug’.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo horay uga mid ahaa baarlamaanka DF-ka islamarkaana ahaa ganacsade dagaal ooge ah ayaa ku guuleystay hoggaaminta maamulka Galmudug sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamanka maamulkaasi.

Xaaf ayaa ka adkaaday Axmed Cali Hilwole oo la tartamayay wuxuuna helay 54 cod, wariyaal ku sugnaa madasha doorashadu ka dhacaysay ayaa sheegay in lacago badan oo laaluush ah ay bixiyeen dhinacyada ku hardamayay doorashada.


Maamulka Fadhiidka Galmudug waxaa horay usoo hoggaamiyay C/Kariim Xuseen Guuleed oo ay isku dhowaayeen Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyihii hore ee DF-ka.

Galmudug wuxuu kamid yahay maamullada ay dhiseen dowladaha shisheeye gaar ahaan Itoobiya iyo Mareykanka ujeedka laga leeyahay ayaa lagu sheegaa siyaasadda gaamurtay ee Qeybi oo xukun.

Maamulkan ayaa wajahay sedax caqabadood oo cuuryaamiyay hana qaadkiisa waxayna kala yihiin dagaal uu lagalay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, dagaal qaab beeleed u abaabulnaa oo uu kala hortay maamulka ‘Puntland’ iyo mucaaradad xooggan oo kala kulmay maleeshiyaadka Suufida ee gacanta ku haaya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items