DAAWO: Warbixin TV-ga Channel4 uu ka diyaariyey Ololaha Gurmadka Abaaraha ee ka Socda Dhulka Al-Shabaab.

Wednesday May 03, 2017 - 20:58:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Warbixin TV-ga Channel4 uu ka diyaariyey Ololaha Gurmadka Abaaraha ee ka Socda Dhulka Al-Shabaab.

    Telefeshinka Caalamiga Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa warbixin xiisa leh ka diyaariyay sida Xarakada Al Shabaab ay ugu gurmatay dadka Abaaruhu saameeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefeshinka Caalamiga Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa warbixin xiisa leh ka diyaariyay sida Xarakada Al Shabaab ay ugu gurmatay dadka Abaaruhu saameeyeen.

Saxafiga Jamaal Cusmaan oo Katirsan wariyaasha Telefeshinka ayaa booqasho ku  tagay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool oo kamid ahaa meelaha ugu daran oo ay dhibaatada ka geysteen abaarihii dalka ku dhuftay.

Wariyaha ayaa booqday goobo raashin loogu qeybinayay boqolaal qoys oo kasoo barakacay dhulka miyiga ah kadib markii ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen.


Warbixinta lagasii daayay TV-ga Channel 4 ayaa diiradda lagu saaray heerka ay gaarsiisantahay abaarta Somalia iyo kaalinta ay Xarakada Al Shabaab ka qaadatay ugargaaridda umadda dhibaataysan.

Jamaal Cismaan ayaa intii uu safarka kusii jiray wuxuu wadada ku arkay haween abaartu saameysay  oo Oon iyo harraad uu ku haayay wadada isagoo siiyay dhowr liitar biyo lacabo ah.



Warbixinta waxaa kasoo muuqanaya Mas’uulka arrimaha Gargaarka uqaabilsan Xarakada Al Shabaab Sheekh Suldaan Aala Max’med oo Kormeeraya qoysas raashin loogu qeybinayo deegaanka Doodaale.

Nuxurka warbixinta ayaa ah in dadku ka raysteen Gargaar ku sheeggii hay'adaha oo ahaa mid bahdil ah islamarkaana dadka abaaraysan lagu gelin lahaa gumeysi iyadoona gargaarka xarakada uu yahay mid hufan oo dadka lasiinayay raashin taya leh iyagoo xur ah oo aan lagumeysan.

Hoos Ka Daawo Warbixinta ama Halkan Riix

Related Items