Sawirro: Sidaan Ayuu isku Bedelay Dhulkii Ay Abaartu Halakaysay Ee Gobollada Bay iyo Bakool.

Thursday May 04, 2017 - 12:56:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sidaan Ayuu isku Bedelay Dhulkii Ay Abaartu Halakaysay Ee Gobollada Bay iyo Bakool.

    Dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya dhulkii Abaartu dishay ayaa bilaabay in uu soo noolaado, xoolihii intii badbaaday ayaa helaya daaqsin wanaagsan iyo biyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya dhulkii Abaartu dishay ayaa bilaabay in uu soo noolaado, xoolihii intii badbaaday ayaa helaya daaqsin wanaagsan iyo biyo.

Maalmo aan fogeyn ayaan socdaal gaaban ku tagay deegaanno katirsan Gobollada Bay iyo Bakool oo runtii kamid ahaa gobollada ugu daran oo ay abaartu ku dhufatay marka laga reebo gobollada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari.

Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya abaarta ugu daran waxay ka dhacday Bay iyo Bakool sidaas oo ay tahay waxaa badbaaday kumanaan neef oo aan dhiman balse iyagoo caato wayd ah ayay hadda heleen Biyo iyo Baad.


Haddii Alle idmo xoolahaas badbaaday bilo kadib lacag fiican ayay goyn doonaan marka ay daaqaan dhirta qoyan.

Dhul isagoo abaar ah aan bil ka hor ku safray ayaan soo maray iyadoo xareeddu warantahay waddooyinka oo sayma roob ay haleeleen, runtii waan garan waayay dhulka oo isbedel dhan walba ah ku yimid geedihii boorku qariyay xilligii abaarta ee la mooday in ay qalaleen ayaa hadda  ah kuwa cagaaran oo ildoogsi qurux badan leh.

Wadada hareereeda waxaa yiillay Bakhtiga xoola isugu jiray  Ari,lo’ iyo Geel xilligii abaarta balse markii roobku da’ay bakhtiga xoolaha waxaa xaaqay biyaha xareedda.

Wadada hareeraheeda waxaa lagu arkayaa xoolo daaqaya dhirta nuucyadeeda kala duwan, dadku waxay kuu sheegayaan in Gugan uu yahay mid barwaaqo marka loo eego sida xowlliga ah ee Roobku ku da’ayo iyo biyaha xareedda oo waraha buuxiyay.


Haddii Alle idmo waxaan booqan doonaa gobollo kale oo abaarta kadib Roobsaday noloshuna dib usoo laabatay.

 W/D Hilaal Colaad Toosane
Saxafi Madax Banaan

 Hoos Ka Daawo Sawirrada Socdaalkeygii Bay iyo Bakool  xilligii Abaarta iyo Roobka Kadib.

FG: Sawirrada xoolaha baqtiyay qaarkood waxaan kasoo xigtay Channel4


Sawirka Buurta Doodaale oo Roobsatay abaartii kadib

 Sawirkaan waa isla Buurta Doodaale xilligii Abaarta daran ay Soomaaliya ka jirtay





 
Sawirrada Hoose waxaa laqaaday xilligii abaarta daran ay kajirtay deegaano katirsan gobollada Bay iyo Bakool





Related Items