Donald Trump Muxuu Ka Yiri Askari American Ah oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Soomaaliya.

Saturday May 06, 2017 - 10:56:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Muxuu Ka Yiri Askari American Ah oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Soomaaliya.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald J Trump ayaa ka hadlay dil loo gaystay askari mareykan ah kasoo ku baxay gacanta xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab xilli lagu guda jiray dagaal culus oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald J Trump ayaa ka hadlay dil loo gaystay askari mareykan ah kasoo ku baxay gacanta xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab xilli lagu guda jiray dagaal culus oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Muqdisho.


Askari oo aan illaa iyo hadda la shaacin magaciisa rasmiga ayaa ku dhintay weerar fashilmay oo ciidamo American ah ay ku qaadeen deegaanka Daarusalaam ee duleedka degmada Awdheegle ee gobalka Sh.Hoose.

Trump ayaa ugu horreyn tacsi u diray dhammaan qoyskii uu kasoo jeeday askariga halaagsamay.

"Wuxuu ahaa geesi gudanaya waajibadka qaran ee saaran wuxuu ku dhintay soomaaliya taas ayaa xaqiiqo ah” ayuu yiri Donald J Trump oo ka hadalayay dilka askariga mareykanka ah ee Soomaaliya lagu dilay.

Al-Shabaab waxay xaqiijisay in khasaare lixaad leh ay dhaxalsiisay soo duulayaasha mareykanka waxayna sheegtay in faah faahin dheeri ah ay ka bixin doonto weerarkii Daarusalaam.

Tan iyo markii ciidamada mareykanka ay bilaabeen in ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo badanayay khasaaraha ciidanka American-ka ah kusoo gaaraya dagaalka.



Xarakada Al Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay dileen askar mareykan ah kuwaasi oo ku dhintay dagaallo iyo qaraxayo ka dhacay duleedka magaalada kismaayo.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

 

 

Related Items