Al Shabaab oo Weerar Xooggan Ku Qaaday Saldhig Melleteriga Kenya uu Ku leeyahay Gobolka Gedo.

Sunday May 07, 2017 - 10:18:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar Xooggan Ku Qaaday Saldhig Melleteriga Kenya uu Ku leeyahay Gobolka Gedo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan ku dhow magaalada Gumeysiga kujirta ee Baardheere.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan ku dhow magaalada Gumeysiga kujirta ee Baardheere.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe weeraro xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin tuulada Tarako kadibna waxaa bilaawday dagaal culus.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen calooshood u shaqeystayaasha Kenya iyo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Qarax lala helay ciidamo Kenyaati Gurmad ah intii uu dagaalku socday ayaa burburiyay gaari Taaw ah sida uu soo sheegay wariye ku sugan gobolka Gedo.


Ciidamada Xarakada Al Shabaab ee weerarka qaaday ayaa beegsaday qeybta saadka saldhigga iyo teendhooyin ay xilligaas ku sugnaayeen ciidaada KDF-ta loo yaqaan ee melleteriga Kenya.

Jugta madaafiic iyo rasaas ayaa laga maqlay deegaanno badan oo katirsan gobolka Gedo, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimsho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay duleedka magaalada Baardheere.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items