Dhageyso: Wakiilka Xarakada Al Shabaab Ee Sh/Hoose oo Wareysi Bixiyay Saacado Kadib Markii Ay Dishay DF-ka!.

Monday May 08, 2017 - 07:15:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Wakiilka Xarakada Al Shabaab Ee Sh/Hoose oo Wareysi Bixiyay Saacado Kadib Markii Ay Dishay DF-ka!.

    isagoo wareysi siinayay idaacadda Alfurqaan ayuu wakiilka Xarakada Al Shabaab Ee Sh/Hoose Sheekh Max'med Abu Osama wuxuu faah faahin dheeri ah ka bixiyay duullaan guul darraystay oo ciidamo Mareykan ah ay dhowaan kusoo qaadeen Daarusalaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isagoo wareysi siinayay idaacadda Alfurqaan ayuu wakiilka Xarakada Al Shabaab Ee Sh/Hoose Sheekh Max'med Abu Osama wuxuu faah faahin dheeri ah ka bixiyay duullaan guul darraystay oo ciidamo Mareykan ah ay dhowaan kusoo qaadeen Daarusalaam.

Abu Osama ayaa sheegay in weerarkii Daarusalaam uu banaanka soo dhigay fashilka ciidamada shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Waaliga Sh/Hoose ayaa bogaadiyay ciidamada Mujaahidiinta ee sida adag uga hortagay duullaanka gardarrada ah oo ay ciidamo Mareykan iyo AMISOM kusoo qaadeen deegaanno iyo degmooyin Sh/Hoose katirsan.

Sababta ay Mareykanka iyo AMISOM ugusoo duuleen Sh/Hoose ayuu ku sifeeyay laba arrimood 1- gobolka oo ay ka furanyihiin Maxkamado islaami ah oo dadka si cadaalad ah ugu kala garqaada islamarkaana kumanaan katirsan shacabka Muqdisho ay usoo xukun tagaan 2-gobolka oo ku dhow magaalada caasimadda ah islamarkaana leh kheyraad dhan walba ah.


Sheekh Abu Osama ayaan soo hadal qaadin warkii shalay kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta DF-ka ee sheegayay in Abu Osama lagu dilay Weerarkii Daarusalaam.

Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa caan ku ah faafinta beenta iyo wararka aan laga fiirsan iyadoona warfaafinta Afka dowladda ay noqotay mid caadaysatay beenta sidaas ayayna ku lumiyeen sumcaddii warbaahin lagu yaqiin.


Halkan ka degso Wareysiga Abuu Osama

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items