Emmanuel Macron Oo Ku Guuleystay Doorashooyinkii Madaxtinimo Ee Ka Dhacay Wadanka Faransiiska.

Monday May 08, 2017 - 07:11:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Emmanuel Macron Oo Ku Guuleystay Doorashooyinkii Madaxtinimo Ee Ka Dhacay Wadanka Faransiiska.

    Saraakiil katirsan guddiga doorashooyinka wadanka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinkii dhacay uu ku guuleystay Musharaxa midixda dhexe ee ujanjeera midowga Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil katirsan guddiga doorashooyinka wadanka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinkii dhacay uu ku guuleystay Musharaxa midixda dhexe ee ujanjeera midowga Yurub.

Malaayiin qof oo taageersan Emmanuel Macron ayaa isugusoo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Paris saacado kadib markii lagu dhawaaqay guusha uu ka gaaray doorashada.

Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa sheegtay in Emmanuel Macron uu helay 66.06% codadkii la dhiibtay halka haweenayda cunsuriyadda ah ee la tartamaysay ay heshay 33.94%.


Macron oo 39 sana jir ah wuxuu noqonayaa Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara wadanka Faransiiska wuxuu horay usoo qabtay jagooyin ay kamid yihiin wasiirka dhaqaalaha iyo agaasimaha madaxtooyada magaalada Paris.

Siyaasadda Madaxweynaha cusub ayaa ujajaban xoojinta Ururka Midowga Yurub halka haweenayda latartamaysay in ay ballan qaaday in Faransiiska ay ka saarayso Midowga Yurub islamarkaana ay wadanka ka Eryi doonto malaayiin qof muslimiin soo galooti ah.

R/wasaaraha Faransiiska oo ka hadlay Telefeshinka Qaranka ayaa guusha Macron ku tilmaamay "dhabar Jabinta mashruuca burburinta huwan ee Xisbiga Midigta".

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u hambalyeeyay Macron wuxuuna guushiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah, Haweenayda R/wasaaraha ka ah wadanka Jarmalka ayaa iyana bogaadisay natiijada kasoo baxday doorashooyinka Faransiiska iyadoo muujisay sida ay ugu faraxsantahay sii jiritaanka Ururka Midowga Yurub.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items