Qarax Afar Sarkaal Lagu Dilay oo Ka Dhacay Deegaanka Kabtanlaas Ee gobolka Sh/Hoose.

Monday May 08, 2017 - 13:46:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Afar Sarkaal Lagu Dilay oo Ka Dhacay Deegaanka Kabtanlaas Ee gobolka Sh/Hoose.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haaya magaalada Marka ee Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haaya magaalada Marka ee Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Kabtan-laas ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 sarkaal oo katirsanaa ciidamada melleteriga DF-ka lagu dilay qarax lala helay saldhig ay ciidamadu ku sugnaayeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, saraakiisha ku dhintay weerarka waxaa kamid ah Col.Cali Haameey oo ahaa taliyihii ciidanka deegaanka Kabtanlaas iyo Col.Shiine Mahbad oo isna kamid ahaa saraakiisha melleteriga DF-ka ee Sh/hoose.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in walxaha qarxa oo xalay lagu qariyay saldhigga ay maanta barqadii ku qarxeen saldhigga oo xilligaas ay saraakiisha ciidanka kulan ku lahaayeen.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku hanjabtay in ay sii wadi doonto weerarada ay ku beegsanayso askarta iyo saraakiisha DF-ka sida ay baahisay Idaacadda Andalus e Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items